SAWIRRO:-Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis Cusub gaaadhay iyo Arimaha Laga Wada hadlay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi.

Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xidhiidhka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab.

Dhankiisa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah.

  • WAXAA KULANKA KADIB LAGU HESHIIYEY .

1. In xidhiidhka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.

2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Nairobi lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.

3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)

4. In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xidhiidhka labada dal.