Howlgal Ka Bilowday Deegaanada Koonfur Galbeed

0

Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa sheegey in dhawaan bilaabi doonaan howgalo layskugu furayo dhamaan deegnada Dowlad Gobaleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya kuwaas oo in mudda ah u xiran Alshabaab.

Generaal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad oo xilkan lawareegay ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan howlgalkooda.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshaha dadka looga korqaadayo Alshabab ay ka kaashanayaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaxdiisa kala duwan.