Dilalka dadka Soomaalida oo ku kordhay Koofur Afrika

0

Wararka ka imanaya Dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in muwaaddin Soomaaliyeed uu dalkaas xalay ugu geeriyooday dhaawac ay u geysteen koox Burcad hubeysan ahayd.

Siciid Xasan oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ayaa koox hubeysan ku weerareen dukaan uu ku lahaa duleedka Magaalada Humansdrop ee Gobolka Eastern Cape.

Dhaawacii ka soo gaaray weerarkaas ayuu u geeriyooday waxaana uu qeyb ka noqonayaa tiro weerarro ah oo todobaadkan lala beegsaday dadka Soomaalida ah ee ku ganacsada Dalka Koofur Afrika.

12kii Bishan ayaa muwaaddin kale oo lagu magacaabi jiray Siciid Cagadhidid Xasan lagu dilay duleedka Magaalada Pretoria ee caasimadda Dalka Koofur Afrika.

Booliska Koofur Afrika ayaan inta badan ka falcelin weerarrada ka dhanka ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogu leynayo dalkaas.

Sidoo kale dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka gaabisay in xaaladda heysata dadka Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ay kala xisaabtanto dowladda Koofur Afrika,