Dhoobo Daareeed “Wada lahaanshihii Puntland wuu dhamaaday”

0

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin DHoobo Daareed ayaa sheegay in wada lahaanshaha dowlad Goboleedka Puntland  uu dhamaaday maaddaama koox gaar ah xoog kula wareegtay Puntland.

Dhoobo Daareed ayaa sheegay in Kooxda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni ay uga adkaadeen siyaasad ahaan hase ahaatee ay adeegsadeen lacag iyo xoog.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo uu sheegay in ay wakiil ka yihiin dadweynaha Puntland ayuu ku eedeeyay in ay lacag yar dhaafsadeen dhaartii ay u mareen ilaalinta Puntland.

Isaga oo dadka Degmada Dhahar la hadlayay ayuu yiri “waxaana meesha ka saaray guruub daneystayaal ah … waxaa se ka sii daran dadkii masuuliyadda shacabka la saaray oo dhaawici & meydkii oo yaal ka xishoon waayey war bal aan meydka aasno”.

Dhoobo Daareed ayaa xilka laga qaaday Khamiistii todobaadkii hore,waxaana maanta lagu wadaa in Garowe lagu doorto qofkii isaga beddeli lahaa.