DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo Oo Eedeyn U Jeediyay Siyaasiyiinta Mucaaradka Iyo Maamul Gobaleedyada

0

Madaxweyanaha Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa eedeymo u jeediyay Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa ee mar kasta ka dhaliisha Warbaahinta isaga oo sheegay inay caqabad ku yihiin horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay dagaal kula jiraan Alshabaab iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira,isaga oo cadeeyay in dowlad-gobaleedyadu ay rabaan in ay la macaamilaan dowladaha caalamka iyo in ay samaystaan ciidamo gaar ah si ay u helaan awoodda ay leedahay dowladda dhexe oo kale sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kalana waxa uu eed culus kala dul dhacay siyaasiyiinta uu tilmaamay in 4-sano kasta ay soo baxaan kuwa cusub halka kuwii kalana ay soo taaganyihiin magaaladana ay kula joogaan ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo iyaga oo raadinaya shaqo ay horay u soo dha-dhamiyeen Warbaahinta iyo baraha bulshadana ay hortaaganyihiin iyaga oo aad u fara badan ayuu mar kale yiri.”