DAAWO:- Foosiya Yuusuf oo si kulul uga Hadashay Hadalkii Sheekh Shariif

0

Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadam oo Xilal kala duwan kasoo qabatay dalka, ayaa wax laga Xumaado ku tilmaantay Hadalkii dhowaan kasoo yeedhay Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sh. Axmed.

Xildhibaan Foosiya ayaa tilmaantay in Bulshada Soomaaliyeed ay ka Naxeen Hadalkaasi, Islamarkaana dadka Soomaaliyeed aysan hada diyaar u ahayn dagaal iyo dhibaato hor leh, Balse ay usoo jeesteen inay dhistaan dalkooda.

Arintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Sheikh shariif uu dhowaan sheegay, in magaalada Muqdisho ay ka saari doonaan Dawladda Soomaaliya, sidii horay looga saaray Mooryaantii, Alshabaab iyo Itoobiyaankii. Sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Foosiya ayaa waxay ka hadashay Arimo la Xidhiidha Doorashada la Filayo inay Sanadka 2021-ka ka Qabsoonto dalka.