DAAWO:-Faysal C. Dhurwaa oo ka hadlay Muranka Doorashada iyo Weerar uu ku Qaaday Muuse Biixi

0

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Dhurwaa ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Hargeisa, Wuxuuna ka hadlay Arimo kala duwan.

Faysal dhurwaa ayaa sheegay inaysan ka Qayb geli doonin  Gudi doorasho oo ku Jiro Cabdirashiid Riyo Raac,  kaasi oo dood xoogan dhaliyey.

“Laba Sanno oo Muuse Biixi Joogay wax ka dhaca mooyaane, wax u kordha ma Jirin Somaliland,  Waxbadan ayaanu tanaasul samaynay, Muuse wuxuu taagan yahay Labadii dumarka ee isku qabsaday ilmaha yar aa mid ay  tidhi noo kala jar.”.  Ayuu yidhi Faysal Cali dhurwaa

“Aafo Qaran ayaa dhacday, Sida lagu sii eegi maayo Somaliland, Wadatashi ayaanu geli doonaa, Meel khatar ah ayuu dalku maanta ka laad-laadaa”.