SAWIRRO:-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la wareegay xilka Xoghayaha Guud ee IGAD

0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gabeyehu ayaa si rasmi ah shalay ula wareegay xilka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti oo xarun u ah Xogheynta IGAD ayaa Maxbuub Macalin oo u dhashay dalka Kenya ku wareejiyay xilka Xoghayaha Guud Dr. Workneh Gabeyehu.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan u magacaabay Dr. Workneh Xoghayaha Guud ee IGAD, iyadoo dalalka Itoobiya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay is dhaafsadaan xilalka Xoghayaha iyo Guddoomiyaha IGAD.

Soomaaliya ayaa horay u dooneysay xilka Xoghayaha Guud IGAD, hase ahaatee waxaa la sheegay inay u tanaasushay Itoobiya, halka Jabuuti ay ka hor-timid, balse safar uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku tagay Jabuuti waxaa ku qanciyay Madaxweynaha Jabuuti inuu aqbalo kala wareeggaas.

Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo dhowaan ka dhici doona magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ula wareego xilka Guddoomiyenimada IGAD.