SAWIRRO:-Gaadiid Gurmad U Sida Baladweyne Oo Maanta Laga Sagootiyay Gaalkacyo

0

Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu sagootiyey Maanta 3 Gaari oo nooca Candhameydlaha loo yaqaan ah iyo Guddiga gargaarka deg-degga ee dhanka Caafimaadka oo ka kooban 5 xubnood, si ay ugu gurmadaan Dadka ay waxyeellada kasoo gaartay fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara Baladweyne.

Deeqdan oo noocyo kala duwan ah ayaa waxaa soo uruuriyay Shacabka Gobolka Mudug , waxaana sagootinteeda goob joog ka ahaa, Dhalinayaro, aqoonyanno, Culimaa’udiin, Saxafiyiin, Bulshada qeybaheeda kala duwan , maamulka Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku Xigeenkiisa .

Sidoo kale waxaa gurmadka loogu jiro u gargaaridda Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday Magaalada Baladweyne door weyn ka qaatay Shacabka ku dhaqan Gobollada Puntland iyo Galmudug.