DHAGEYSO:-Xiisad Ka Dhalatay Dil Ka Dhacay Degmada Kaxda

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Kaxda ee magaaladda Muqdisho.

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay markii dabley ay rasaas ooda uga qaadey meel maqaaxi ah oo ku taala degmadaas.

Kooxaha hubeysan ee falkaas sameeyay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen oo ciidanka ammaanka gaareen.

Wararka ayaa sheegaya in falalkaan ay salka ku hayaan annooyin qabiil, waxaana socota dedaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaas.