DHAGEYSO:-Gobol ku dhowaaqay inuu ka go’ayo Puntland kadib xil ka qaadistii gudoomiyihii Barlamaanka

0

Kadib markii baarlamaanka maamulka Puntland uu kalsoonidii kala noqday guddoomiyahoodii Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, ayaa qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Sanaag waxa ay ka soo hor jeesteen xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha.

Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sanaag iyo dalka dibadiisa ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn xil kaqaadistii guddoomiye Dhoobo-daareed, iyagoo kaligi talisnimo ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani.