AKHRISO:- Xubno ka socda Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo Shir u furmaayo

0

Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maaliyadda,Dhaqaalaha ganacsiga iyo Warshadaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno ka socday dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Maamulka Puntland iyo Sanoter Cabdiraxmaan faroowe oo mar soo noqday Madaxweynaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdiga soo dhaweeyey,waxaana ay halkaasi u tageen shir ka furmaya Magaalada Garoowe.

Shirka ka furmaya Garoowe ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo dhameystiri lahaa Shuruuc Shan ah oo kasoo gudubtay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana wadatashi laga sameeyo Dowlad goboleedyada.

Sanoter C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Shuruuucta Shanta ah ee soo martay Golaha Shacabka kala tashanayaan Dowlad goboleedayda lagaba bilaabay Maamulka Puntland.

Sanoter Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa sheegay inay qasab noqotay in shuruucdaan markii ay kasoo dhamaatay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya wadatashi lagala yeesho Dowlad goboleedyada oo ay iyaga matalayaan.

Maalinta berito ah oo Sabti ah ayaa la filayaa in Xubnaha ka socda Guddiga Maaliyadda Dhaqaalaha ganacsiga iyo Warshadaha ee Aqalka Sare iyo Xubnaha Dowlad Goboleedyada in uu shirka uga furmo Magaalada Garoowe.