AKHRISO:- Faahfaahin ka soo baxaysa dad rayid ah oo xalay lagu diley magaalada Muqdisho

0

Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dad rayid ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystey degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Saddex ruux ayaa ku dhimatay shan kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii rag hubeysan ay ku fureen maqaaxi lagu caweeyo oo ku taal degmada Kaxda.

Rag ku hubeysan qoryaha fudfudud ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen falkan oo ah mid ku cusub magaalada Muqdisho iyagoo goobta ka baxsaday.

Ehelada dadka xalay la dilay qaarkood ayaa sheegay iney falkan ay tuhunsan yihiin in loogu aar gudayey oday habeen kahor lagu dilay degmadaas, sidoo kalena lagu dhaawacay wiil uu dhalay iyo Haweeney kale.

Lama oga ujeedada ka dambeysay falka lagu diley dadkan,hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan uu ahaa fal aargoosi ah oo salka ku haya nin lagu diley isla degmadaas labo ruux oo kalana lagu dhaawacay.