AKHRISO:- Donald Trump Oo Lagu Ganaaxay Lacag Dhan Laba Milyan Oo Doollar

0

Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey’ad gargaar oo uu isaga leeyahay.

Lacagtaas ayaa Madaxweyne Trump la sheegay in uu u adeegsaday ololihiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka.

Hey’adda Donald J Trump Foundation ayaa la xiray sanadkii 2018-ka, kadib markii xafiiska dacwad oogaha Mareykanka uu ku eedeeyay in ay ka shaqeyso danta Madaxweyne Trump.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale amray in hey’addan oo ay madax ka yihiin Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur aanan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, waxaana uu intaa raaciyay in lacagtaas ganaaxa uu Madaxaweynaha jeebkiisa ka bixiyo

“Waxaan Trump ku amrayaa in uu bixiyo lacag dhan laba milyan oo doolar, lacagtaas oo haddii ay taali lahayd loo adeegsan lahaa hawlo gargaar,”ayay go’aamisay garsooraha maxkamadda.

Waxaa kale oo ay garsooraha sheegtay in lacagtaas farta laga saaro sideed hey’adood, kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn Madaxweyne Trump, kana madaxbanaan.

Madaxweynaha ayaay sidoo kale maxkamaddu sheegtay in uu gabay mas’uuliyadii saarneyd, maadaama lacagtaas deeqda ah ee loogu talo galay dadkii usoo halgamay Mareykanka loo adeegsday doorashadii is-rebreebka ee sanadkii 2016-ka ka dhacday Mareykanka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here