Africom oo ka jawaabtay war ka soo baxay Hoggaamiyaha Al shabaab

0

Milatariga Mareykanka ayaa ka hadlay muuqaalkii  ugu dambeeyay ee ay baahisay Al shabaab,kaas oo uu laga duubay Hoggaamiyaha Al shabaab Axmed Diiriye Cumar Abuu Cubayda oo sagootiyay dagaalameyaashii fuliyey weerarkii Balidoogle, kaas oo dhacay bishii September ee sanadkan aynu ku jirno ee 2019-ka.

Agaasime ku xigeenka howlgalada ee taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM loo soo gaabiyo Miguel Castellanos, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al shabaab ee ah in ay khasaare gaarsiiyeen Ciidanka Maraykanka, wallow uu xaqiijiyey dhaawaca hal askari oo Ameerikaan ah.

“Marka ay dharbaaxo ku dhacdo argagixisadda waxa ay isku dayaan in ay ku qariyaan been abuur,” ayuu ku yiri maqaal uu ku daabacay wargeyska arrimaha ciidamadda ka faalooda ee Military Times.

Maqaalka oo lagu bogaadiyey howlgalada ka dhanka ah xarakadda Al shabaab iyo deegaanada laga qabsaday, ayna wadaan Ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ciwaan looga dhigay “Beenta waxaan kaga hortageynaa runta”

Sidda laga soo xigtay Castellanos, gulufkii Balidoogle, waxay dileen ciidamadda Soomaaliya 13 Al-Shabaab ah oo duulaanka soo qaaday,iyaga oo qarxiyey saddex gaari oo lagu soo rakibay waxyaabo qarxa.

“Sawirro ayey soo bandhigi lahaayeen si loo xaqiiqsado,” ayuu raaciyey.

Al shabaab bishii September ee sanadkan 2019, waxa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Maraykanka ee Soomaaliya,kuna tababaro ciidanka Danab ee Balidoogle.