Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Ka Dhacay Magaalada Garoowe

0

Xaaladda Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa weli kacsan kadib markii xalay xarunta baarlamaanka ay isrisaasayni ku dhex martay ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha baarlamaanka C/kariin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed iyo ciidamada booliiska Puntland eek u sugan magaalada.

Xiisadda ayaa ka bilaabatay kadib markii sida uu sheegay taliyaha booliiska Puntland uu cadeeyay in guddoomiyaha uu ku wargeliyay in ciidamadaan oo ah Maleeshiyaad isaga ka amar qaata in uu ka saaro xarunta golaha Wakiilada isla markaana uu ka biya diiday sidaasna ay iyaga oo ugu socda wadahadal ay ay rasaastu bilaabatay.

Dagaalkaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad 3-ruux oo laba ka mid ah ay yihiin  dhinacyada dagaalamay halka qofka kalana uu yahay Shacab goobta ku sugnaa.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socdo kulamo looga arrinsanayo xiisaddii xalay ka dhacaday xarunta baarlamaanka waxaana ay sare usii qaadaysaa xiisad siyaasadeed oo ka dhax aloolsanayd sida la sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo Madaxtooyada.