Mooshin Laga Gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

0

Guddoomiyaha golaha Wakiilada maamulka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa la sheegay in ay Mooshin ka gudbiyeen xildhibaano badan ooka tirsan golaha baarlamaanka isaga oo wajahaya eedeymo culus.

Ku dhawaad 44-xildhibaan ayaa ku saxiixan Mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka oo loo gudbiyay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka isla markaana la hor geynayo fadhiga baarlamaanka.

Dhinaciisa Guddooiye ku-xigeenka Koowaad ayaa xajiiyay in uu qabtay Mooshin ka dhan ah guddoomiye C/xakiin Maxameed Axmed Dhoobo kuna eedeysanyahay dhowr qodob iyo ku tumashada Dastuurka maamulka Puntland.

Xildhibaanada ku saxiixan Mooshinka ayaa sheegay in uu sharciga ku tuntay guddoomiyaha islamarkaana Maleeshiyaad dejiyay xarunta baarlamaanku ay ku shiraan ee magaalada Garoowe.