Mareykanka oo markii u horeysay war ka soo saaray xaalada siyaasadeed ee Somalia

0

Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay war saxaafadeed ka soo saartay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay gashay marxalado aan la fileyn oo ka dhashay khilaafka dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

War saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ku boorineyso dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin siyaasadeed.

“Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka oo ahaa mid kooban.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyada muhiimka ah.

“Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.