Howlgal Laga Sameeyay Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/Hoose

0

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay howlgallo ka wada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada gobolka Shabeellaha hoose xili uu ku sugnaa hoyga uu ka deganyahay Afgooye kadib markii lagu weeraray Bam-gacmeed.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu qabtay dad lala xiriirinayo falalka amni darro eek a dhaca degmada Afgooye gaar ahaanna weerarkii Bam gacmeedka ahaa ee lagu dilay allaha u naxariistee guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Cumar Maxamuud Cilmi Cumar Carrabey.

Dadka la qabtay oo u badan dhalinyaro waxaa la sheegay in qaarkood lasii daayay halka inta kalana ay ku socdaan baaritaano la xiriirawaxa ay ka ogyihiin falalka amni darro eek a dhaca degmada Afgooye.