DHAGEYSO:-Maxay Tahay sababta xilka looga qaaday Gudoomiye Dhoobo?

0

Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland oo saaka kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee caasimadda Garoowe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Sababta xilka looga qaaday ayaa ahayd in uu wada shaqayn fiican la yeeshay dhanka dowladda soomaaliya taasi oo soo da dajisay in uu waayo kursiga gudoomiyaha barlamanka puntland mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed  sidoo kale wuxuu si cad u diiday nidaamka aran jaan oo ka shaqeeya puntland kaasi oo soo bilawday xiligii faroole waana mida ay ka shaqayn wayeen xukuumadihii soo maray puntland

Gudoomiyaha oo warbaahinta la hadlay in aan xilka laga xayuubin ayaa sheegay,in Madaxtooyada Puntland ay doonayso in ay burburiso ku dhaqanka destuurka Maamulkaasi,iska markaana aysan jirin cid xilka ka qaadi karta iyada oo aan loo marin Sifo sharci ah.