AKHRISO:- Xisbiga Dimuquraadiga Oo Ka Guuleystay Madaxweyne Donald Trump

0

Xisbiga Dimuquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa guulo ka soo hooyay doorashooyiinka gobollada dalkaasi, arrintaasi oo la sheegay in ay dharbaaxo ku tahay madaxweyne Donald Trump.

Andy Beshear oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku dhawaaqay in uu ku guuleystay in uu noqdo barasaabka Gobolka Kentucky, ka dib loollan xooggan oo uu u galay gobolkaas.

Dhanka kale, xisbiga Dimuquraadiga ayaa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah helay aqlabiyadda golaha deegaanka ee gobolka Virginia.

Natiijooyiinkan ayaa la sheegayaa in ay astaan u yihiin waxa dhici kara marka la gaaro doorashada sannadka dambe ka dhici doonto dalkaasi.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa mar kale ku guuleystay barasaabka gobolka Mississippi, halkaasi oo waligeed uu ku xoog badnaa xisbigaasi Jamhuuriga ee Donald Trump uu k tirsan yahay.