Akhriso:-Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Gobolka Sh/ Hoose

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaarado dagaal ay ka fuliyeen agagaarka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa lagu garaacay tuulo hoostagta degmadaasi oo lagu dhuftay illaa 6 gantaal, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, waxaana tuulada la duqeeyay gacanta ku haya dagaalyahannada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse waxaa dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa degmada Awdheegle iyo deegaanad hoos yimaada ee gobolka Shabeelaha Hoose.