AKHRISO:- AMISOM oo gaadiid dagaal oo casri ah kala soo degtay Muqdisho

0

Ciidamada Burundi ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxa lagu wareejiyay 20 gaadiid dagaal iyo qalab casi ah oo loogu tala galay in ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gaadiidkaan dagaalka ayaa ka yimid dowladda Burundi, waxaa sheegtay in uu yahay Mid casri ah oo ka duwan qalabkii ay horay ugu shaqeyn jireen Ciidanka AMISOM.

Qalabkaan ayaa sidoo kale wax laga gaarsiin doona Ciidamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya, iyo Uganda.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa kormeeray qalabka cusub markii Muqdisho lasoo gaarsiiyay.

Waxaa uu sheegay in uu wax badan kusoo kordhin doona howlgalka Ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.