Agaasime ka tirsanaa DF Soomaaliya oo ku Geeriyooday dagaalkii Garoowe

0

Allaha u naxariistee ku xigeenkii agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland ayaa goor dhaw u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal magaalada Garowe ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland.

Cabdikariim Maxamed Faarax “Dhagaweyne” ayay rasaasta ay isku ridayeen ciidamadu waxa ay kula dhacday goob ganacsi oo uu kulahaa meel aan ka dheereyn Aqalka Baarlamaanka Puntland oo ay xalay weerareen ciidamada gaar ka ah ee Madaxtooyada Puntland.

Is-saasayn mudo socotay ayaa afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka ku dhex martay ilaalada Aqalka baarlamaanka iyo ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ka mida yahay askatii uu dagaalku dhex maray iyo agaasime ku xigeenkii hey’adda socdaalka Soomaaliya faraceeda Garowe, sidoo kalana haa ganacsade caan ah ayaa ku geeriyooday shaqaaqada, waxaana jira dhaawacyo kale.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay cidda heysata xaruntii la weeraray ee baarlamaanka Puntland, waxayna wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inay wali ku suganyihiin ilaaladii lagu soo weeraray ee horay u joogtay.

Weerarka xalay lagu qaaday xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu maanta fasax seddax maalmood ah uu xildhibaanada u diray guddoomiyaha baarlamaanka Puntalnd, oo sida la sheegay mooshin laga keenay.