SAWIRO:- Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Puntland

0

Waxaa maanta booqday xarunta dhexe ee Guddiga Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson iyaga oo kulan la yeeshay Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyink Puntland.

Mudadii kulanku socday waxaa la iska waraystay hawlaha u qorshaysan Guddiga iyo sidii dawladda Sweden ay uga qaybqaadan lahayd taageridda farsamo iyo dhaqaale ee hawlaha Guddiga.