Masar Iyo Maamulka Puntland Oo Kala Saxiixday Heshiis Cusub

0

Wasiirka Waxbarashada dalka Masar Dr. Daariq Showqi ayaa Xafiiskiisa Magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowlad Goboleedka Puntland  Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo wafdi la socday oo booqasho ku jooga dalkaas.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga ka dhexeeysa  Soomaaliya iyo Masar,  sidii Maamulka Puntland looga gacan siin lahaa arrimaha la xiriira dhanka Waxbarashada.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Masar iyo kan Puntland ayaa ka  wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinaca Waxbarashada, iyagoona labada Mas’uul ku heshiiyay in Masar 6 Iskuul oo Waxbarasho ah ay ka furto deegaanada Puntland, isla markaana ay wax ka dhigi doonaan Macalimiin Masaari ah.

Ugu dambeyntii Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.