DHAGEYSO:-Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Oo Ka Hadlay Dilkii Guddoomiye Carrabey

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerarkii lagu dilay Allaha u naxaristee Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi “Cumar Carrabey”.

Kooxo hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Guddoomiye ku-xigeenka xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Degmada Afgooye, iyadoona dhaawac ahaa loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Digfeer ayuu ugu dambeyn Guddoomiye Cumar Carrabey ugu geeriyooday dhaawac Culus oo ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday, waxaana sidaas xaqiijiyay Maamulka Shabeellaha Hoose.

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax ayaa waxaa uu sheegay in uu dhintay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada, isagoona tilmaamay inuu ahaa ruux aad u firfircoon, isla markaana kala qeyb qaatay howlgalo badan oo laga fuliyay Shabeellaha Hoose.