AKHRISO:- FAAHFAAHIN: Weraar lagu qaaday Xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegay in is rasaaseyn xoog leh laga maqlay caawa afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Puntland.

Iskahorimaad xoog leh oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamada ilaalada ka ah xarunta baarlamaanka iyo ciidamo kale oo soo weeraray.

Ciidamada weerarka ku qaaday xarunta Baarlamaanka ayaa la sheegay inay ka koobnaayeen noocyada kala duwan ee ciidamada Puntland.

Hase yeeshee ciidamadan ayaan usuurtogelin inay gudaha u galaan xarunta baarlamaanka iyagoo kala kulmay difaac xoog leh ciidamadii ilaalada ka ahayd xarunta baarlamaanka.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadka waxana uu dhacay xilli fasax gaaban ay galeen xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Si kasta ha ahaatee waxaa wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Ma jiro illaa iyo adda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee dhacdadan oo kale ay ka dhex dhacdo ciidamada ku sugan magaalada Garowe.