QORMO:- ADUUNKA LAMA HELO BADANAA MADAX WANAAGSAN HADII ILLAAHAY KU SIIYANA LAMA INKIRO FADLIGAA WAA LAGU XAMDIYAA ALLAAH OO LA XAJISTAA

0

Mudo ku dhaw nus qarni,ayaa dalkeenu uu ahaa mid ku sugan wax ku dhaca mujtamac ama dal wixii uugu xumaa oo basharka gaara. Waxaas oo ah mid aan uugu yeero kuna xusay maqaalo farabadan oo aan hore u qoray,waa MAQNAANSHO DAWLO.

Hadaad xiiso u qabto sharaxaada MAQNAANSHO DAWLO ayaa waxaa kugu filan dib u raac waxa soomaaliya ku sugnayd 27 sanadood halkaas ayaad kahelaysaa macnahaas. hadaanse in yar kaxuso oo dulmar ah,markay meesha kabaxdo dawladi oo dal iyo qaran jiraa banaanka kusoo dhaco,oo booskii dawladnimo noqdo meel banaan oo madhan waxaa dhacaya sidan hoos ku xusan.

SHarcigii iyo kala danbayntii majirto,kolkaa nin waliba kuu fursad yar ka helo waa dilayaa,waa dhacayaa,dumarka waa la kufsan,waa la dili, waxaan bad baadayn biri magaydadii oo dhan caruur iyo ciroolaba iyo culimadii diinta intaba. waxaa isdili qabiilada kadib jifooyinka kadib ilmaadeerta kadib walaalaha. waxaa soo baxaya kooxo maafiya ah oo iibsan dalka iibsan diinta iibsan dadka oo dalkooda khaa imaaya.

Waxaa dalku waa yayaa cid uhiilisa,waxaa hooyka dhigan danbiile walba oo dalkiisa ka soo carara ayaa gabaad ka dhigan,waxaa lagu beeri inta xun daroogada iyo balo iyo baas oo dhan. xubnaha dadkaa ayaa la iibsan,caruurtaa laga ganaacsan oo shisheeye laga iibsan,diimo iyo dhaqamo xun xun oo shisheeye ayaa dalkaaga lagu beeri. meel loo dacwoodo malaha waa ninba wuxuu ka awood badan yahay ha dilo. waxaas oo dhami waxaa hortaagnaa dawladnimada sharciga iyo kala danbaynta.

Waxaa suuro gal ah in aad is waydiiso tan iyo intii aynu xoroownay 1960 kii ee dawladnimada qaadanay ilaa dawladii udanbaysay ee burburtay 1991 dii, in naftaada dawladahaas dhibkaasoo gaaray,ama qaraabadaada dhaw dhib kasoo gaaray ama qaybo tolkaa ah dhib gaaray,kadibna aad isku xirto uun dawladi sawtii laygu dilay maàha? dabadeedna uu kugu dhaco argagax iyo cuqdad kugu sababi karta in ayba ku gu dhacdo xanuun waayadan danbe dad siyaasiyiin sheegta lagu arkay oo ah DAWLAD KAFIIG!! halkaa hagaarin hadaba waayo arinkaasi wuu dhacaa oo dalkastoo dawladleh ka dhacaa haba kala daraadeen ee. ninkastoo siyaasad laguha lagalaana waa wax la arkay in ay soo gaari karto dhibaato markarka qaarkood isaga aan ku koobnayn ee uu ku galaafto eheladiisa iyo qoyskiisaba.Laakiin taan ka hadlayaa ah sawir intaa ka qodo dheer oo ka balaaran oo ah hadii dawlad nimada lawaayo dhibkii shalay ku koobnaa shaqsiyaad iyo dad kooban oo bulshada kamid ah,ayaa gaaraaya dadkoo dhan isagii oo 10 jibaaran,oo waa dhib iyo musiibo uusan qofna kabaxsanayn gar iyo gardaraba. MAQNAANSHO DAWLO waa musiibo guud oo aan dadka qaarna badbaadayn. sikale hadaan u dhigno musiibadu waxay musiibo tahay markay guri walba gasho. marka dawlad layahay dhiba hajiro dad ku dhaca si sharci ah iyo si sharci daro ahba si xaq ah iyo si xaqdaro ahba lama diidana laakiin wali waxbaa kuu bad qaba oo kuu dhawrsoon dad iyo duunyo dal iyo diinba oo dawlad baa tahay. markaa arin walba waxaan saaraynaa xaqeeda iyo miisaankeeda iyo xaaladeeda. sidaa ayay ukala culus yihiin arimaha imtixaanka aduunku.

Hadii dawladi banayso oo dalgalo MAQNAANSHO DAWLO waa halaag aduun. dadka aqoonta sare leh dadka leh caqliga fiican ee sareeya waxay doorbideen maalin kaliya oo dal galo MAQNAANSHO DAWLO waxaa ka khayrbadan oo ka wanaagsan Dikteeytar 50 sanadood xukunka haysta. Laakiin dadka aan qeexi karayn garan karayn waxa dawladi tahay? waxa noloshu tahay? waxa dad iyo dal yahay? ee aragtida gaaban u saaxiibka ah magarankaraan macnaha dawladnimo sidaad ka aragtaan kuwo hada dalkeena raba in uu galo fawdo iyo Maqnaansho dawladnimo oo waliba sheeganaaya in ay siyaasiyiin yihiin!!

Musiibadii dhacday ee sii say fursada in mar layiri madaxweyne ayay mindhaa run moodeen waana hadee qayb kamid ah dhibaatooyinka dal galo markay dhacdo MAQNAANSHO DAWLO. waxaana sharaf dhac ku ah umada iyo shacabka soomaaliyeed dad danbiilayaal ah oo dhiigbadan soo daadiyay,oo dalkaan shisheeye u loogay in ay maanta wali qaswadayaal kasiiyiin hanaanka iyo hanaqaadka dawladnimo ee soomaaliya.

Maanta hadaynu soomaali nahay waa ognahay dhibka gaaray dadkeena iyo dalkeena.waxaan aragnay mar qura oo illaahay inaga fayday musiibadii iyo dhibaatadii in dalkeena ay horkacaan dad aan lahayn aragti iyo karti hogaamineed,lahayn hadaf iyo wadaniyad lahayn soomaalinimo iyo damiir shaqsiyadeed,oo dadka u kala qaybiya qabiil isugu dila sameeya kooxo laaya dadka,hortaagan dawladnimadii dalkaan lagu soo dabaali lahaa waxaas oo dhan ayaa illaahay inaga qaaday.

Wuxuu inoogu badalay bal hada ufiirso rag isla soomaalidii uun ah laakiin ah geesiyaal,wadaniyad leh,aragti hogaamineed leh,qab leh,jecel diinta jecel dalka jecel dadka soomaaliyeed. waxaa inoo kacay madax ismaqal leh dhex dooda xasuuso kuwii hore,madax talo leh,madax go aan leh,kamidaysan difaaca dalka hooyo.

Waxaayaableh hadii qabiil wax taraayo way katageen oo iyagu isku qabiilba maha waxayna ka tageen arinkaa oo waxay qaateen qaranimo soomaalinimo iyo wadaniyad halkaa ka ogoow qofka damiirka leh fiican iyo iimaanka waa ka sareeyaa qabiil hoose oo liita wuuna ka tagaa sidaa Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Ducaqabe khayre.

Halkay kasoo qaadeen Soomaaliya iyo halkay maanta soo gaarsiiyeen oo marinayaan isaga sheekayn mayno waa midaa Qaramada midoobay lagu xusay ee fadhiga looga kacay madaxdeena taasoo aan hore u dhicin mudo nusqarni ah.

Qofkasta gobol iyo qabiil iyo cidii uu doono ha ahaadee soomaali ah ayay sharaf u tahay madaxdeena oo sidaa loo qadariyay iyo dalkeena. guusha inaga shacabka ah ee soomaalida ah ayaa leh dalkeena leh.Maanta waxaan aragnaa in qalbi fiicnaanta iimaanka dadnimada naxariista ay madaxdeenu u hayaan dadkeena iyo dalkeena waxay amreen in naftooda ay ka gooyaan mushaharkooda,si ay tusaale fiican uugu noqdaan madaxda kale ee dalka iyo shacabka soomaaliyeedba. wayna dhacday in hada nin walbaa si qalbi furan oo iskiis ah wuxuu heli karo uu ula gaaray walaalaha soomaaliyeed ee wabigu ku fatahay balad weyne iyo meelo kalaba.

Adeer hadii illaahay nicmo ina siiyay oo inoo yeelay madax daacad ah oo inoo shaqaysa waa arin aan dalwalbaa heli karin ee waxaa inala gudboon soomaaliyeey in aan iimaansano oo nicmadaas rabi ku shukrino oo niraahno illaahoow waa mahadaa.

Madax hantidii inoo ilaalisay,madax ina simaysa,madax leh cilmi iyo aqoon maamul wanaag,madax aynu u jeedno hadaan rabbi kayaabayno shaqada wanaagsan ee ay dalkeena ka hayaan maha in aan caasino si aan caro rabbi inoogu dhicin, wilaashaan inoo kacay hiil iyo hooba soomaaliyeey la garab istaaga magiciin jiryee. dawladnimaduna maha farmaajo iyo ducaqabe khayre,oo kaliya ee waa wax inoo haraaya oo ah karaamada dadkeena iyo dalkeena soomaaliya.

Xukunkana kolba cidii rabbi u qadaro unbaa timaada,laakiin madax wanaagsan haday kusoo marto waa fursad qaaliya lama doqomoobo oo lama caasiyo oo lama lumiyo ee waa laxajistaa illaahayna loo xamdi naqaa wax badan. Taariikhda dalkeena dib ugu noqda lama arag laba nin oo madaxdii dalkeena soomartay ee usaraysay ah oo uwada shaqeeyay sidaa kalsoonida buuxda leh iyo wada jirka ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare khayre uwada shaqeeyaan midna uga yihiin hormarka dadka iyo dalkeena soomaaliyeeed. waa jireen madaxweyne iyo raysal wasaare fiican oo uma jeedno in wax wanaagsaniba uusan hore u jirin ee waxaan ka hadlayaa ah labadee sidan oo kale isku ahaa?

Ragwada shaqeeyay waa isqabanayaa intaa oo taa waa ognahay balse waxay dad ku dhaafeen ayaa ah in ay ku khatimaan arinkooda tanaasul ah danta dadka iyo dalka soomaaliyeed ee masuulka ay ka yihiin,waxayna mid kayihiin cadawkasta oo qaranka soomaaliyeed ah. Arintaan waxay inoo tahay cashar waana in aynu kufaanaa hadaynu nahay soomaali waayo waa guul soomaali leedahay lagana arkay.

Waxaan u mahad celinayaa illaahay noo soo saaray madaxwanaagsan,marlabaadna waxaa sharaf ii ah in aan kufaano anigoo ah soomaali oo dunida kale oo dhan uugu faano in aan leeyahay hogaamiyayaal aragti dheer oo mudan cidii wax kasaysaa in ay dariiqooda raacaan si ay u liibaanaan imisa dal ayaa madax xun leh oo hagar galiya hormarka dalkooda?

Wadaniyiinta soomaaliyeed waa in ay ogaadaan waxay haystaan oo qaaliga ah. qofkastoo soomaali ah dantiisu dhab ahaan waxaa weeye in uu helo hal caasimad,hal madaxweyene,hal calan,hal dal,halkii uu qabiil ku faani lahaana in uu iskula waynaado oo qab sare ku lahaado soomaalinimadiisa,hadee xaqna waaba u leenahay oo waxaynu nahay nasiib wanaag dad isku diin ah,isku af ah,wada dhashay oo isku isir ah,soomaali wada ah,isku dal ah,wixii intaa kabaxsan waa dib u dhac hoog iyo halaag soomaali asiiba,sidaa daraadeed waa in aan ka dagaalanaa dib u dhac danbe.

W/Q Yuusuf Cumar