DHAGEYSO:-Dagaal ka dhacay Deegaanka Baar sanguuni

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Afhayeenka wasaarada amniga Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalka khasaaro lixaad leh ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ciidamada xoogga, kuwa Jubbaland ay iska caabiyeen.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaaddey fariisin ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi.