DAAWO:-Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya oo beeniyay in dooni ciidanku leeyahay ay degtay

0

Taliyaha Ciidanka Badda &  ilaalada Xeebaha dalka Soomaaliya Admiraal guuto Cabaas Amiin Cali ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay doontii ay wateen Ciidamo katiran kuwa Dowladda Soomaaliya ee dhawaan ku degtay meel u dhow Xeebta degmada Cadale.

Taliyaha waxaa uu sheegay inaysan jirin cilad weyn oo ku timid doontaas iyo inay waxyeelo dhimasho ah kasoo gaartay ciidamo katirsanaa Dowladda ee saarnaa,kuwaas oo uu sheegay inay raashin u wadeen Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.