Warixin Safar Madaxweyne Farmaajo Ee Dalka Ruushka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay dalka Ruushka, halkaasoo uga qeyb galay Shir Madaxeedka Afrika iyo Ruushka oo 23-ka bishan ka furmaya magaalada Sochi.

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa dhowaan Waraaqaha Aqoonsiga wuxuu ka gudoomay Danjiraha Cusub ee Ruushku usoo magacaabay Soomaaliya, Waxaana Dawladda Soomaaliya Mudooyinkii dambe Waxay sare u Qaaday Soo celinta Xidhiidhkii soo Jireenka ahaa ee ay la lahayd Saaxiibada Caalamka.

Wafdiga Madaxwayne Farmaajo inta uu ku sugan yahay  magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan iyo Madaxda dalka Ruushka.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka .