SAWIRRO:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey Sweden.

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyey Sweden.

Kulamada Soo dhoweynta ah ee loo sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Waftigiisa waxaa lagu qabtay magaalooyinka Stockholm iyo Västerås ee dalka Sweden.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo hadal u jeediyay Jaaliyadda Puntland ee Sweden wuxuu kula dardaarmay in ay door muhiim ah ka qaataan Maalgashiga iyo horumarka Dalka ka socda.