Muuse Biixi oo Qaabilay Safiirrrada Midawga Yurub iyo Sweden ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada Midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander oo gaaray Hargaysa.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Safiirada midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi laa, isagana kaashan lahaa arrimaha dhaqaalaha iyo Maalgashi laga sameeyo deegaanadda Maamulkaasi.

Kulanka ayaa sidoo kale in uu socday waxaa la isla soo qaaday wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo mudooyinkaan dambe Hakad galay, inkasto Madaxweyne Farmaajo mudo sii horaysay uu Magacaabay gudi u qaabilsan wada hadalada Somaliland.

Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanada ee Maamulka Somaliland oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka.