Maxkamadda Sare oo ee dalka oo ku dhawaaqday qaadista dacwadii Himilo Qaran

0

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa waxaa ay ku dhawaaqday inay dhawaan qaadeyso dacwadii ay u gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dacwadaas ayaa waxaa ay ka dhan tahay Xukuumadda Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed  loo diiday inuu ka duulo Garoonka Muqdisho 22-kii Bishii September,xilli uu ku wajahnaa Magaalada kismaayo wallow markii dambe uu tegay kana qeyb-galay xafldii Caleema saarka Axmed Madoobe.

Hay’daha Garsoorka dalka oo ka jawaabayey Warar lagu faafiyey Wabsit-yada qaar oo ku saabsanaa in Xukuumadda Somalia joojisay qaadista dacwadaas ayaa waxaa ay sheegeen in aan waxba ka jirin wararkaas,isla markaana dhawaan ay bilaaban doonto.

“Maxkamadda Sare waxay qabatay Dacwad Maamul oo uu soo gudbiyey Xisbiga KMG-ka ah ee Himilo Qaran. Dacwadaas dhagaysigeedu dhowaan buu bilaabmi doonaa.warka saxaafada qaarkeed qortay run ma aha ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maxkamada Sare.

Sidoo kale waxaa warka lagu sheegay in Qof kastaa uu  xaq u leeyahay in uu Garsoorka u dacwoodo si waafaqsan sharciga,isla markaana dacwadda Cisbiga Himilo Qaran ay gacanta ku hayaan dhawaana qaadisteeda bilaabi doonaan.

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa 6-dii Bishaan waxaa ay ku dhawaaqeen inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyeen Maxkamada sare ee dalka,hayeeshee la sugayo sida ay Maxkamada Sare u qaado dacwdaas.