Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Ruushka

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u ambabaxay Dalka Ruushka halkaas oo uu kaga qeybgelayo shir Caalami ah.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa ka duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaana ay u duuleen Magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Magaaladaas ayaa waxaa 23ka Bishan ka furmaya shirka Ruushka iyo Afrika oo sanadkiiba mar la qabto,waxaana sidoo kale ka qeybgelaya inta badan madaxda Afrika.

Shirka oo soconaya labo Maalmood ayaa waxaa uu ka dhacayaa Magaalada Xeebta ku taalla ee Sochi oo ah magaalo loo dalxiistago.

Waxaa shirkan looga hadlayaa dhaqaalaha iyo maalgashiga gaar ahaanna sidii Warshadaha Dalka Ruushka uga shaqeyn lahaayeen wax soo saarka Afrika.