Madaxweynaha Dowladda Puntland oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

2. Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here