Ganacsade Caan ah oo Kismaayo Lagu dilay iyo Wararkii u danbeeyay

0

Kooxo hubeesan ayaa xalay magaalada Kismaayo, gaar ahaan xaafada Calanley Waxay  ku dileen ganacsade  Xaaji Saciid Ciise (Saciid Addoon),  oo kamida ahaa Waxgaradka iyo Ganacsatada ugu caansan deegaanka.

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa ka hadlay dil xalay Magaaladaas loogu geystay Ganacsade Xaaji Siciid  ee Kismaayo,  ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Ganacsadaha loo geystay

Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo ah Afhayeenka Maamulka Jubaland ayaa wuxuu dilka ku eedeeyay Al-shabaab,iyada oo Ciidamada Jubalandna ay howlgal ka sameeyeen xaafadda uu dilkaas ka dhacay.

Magaalada Kismaayo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku sii kordhayay dilalka loo geysanayo dadka ka aragtida duwan Maamulka Jubaland, Waxaana  Ganacsadaha la dilay kamid ahaa waxgaradka caanka ka ah Kismaayo, Weli ma cada sababta loo dilay, waxaana dilkan aad uga naxay dadka ku dhaqan Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay mudooyinkii ugu dambeeyay waxgarad magaaladaasi caan ka ahaa, dilalkaasi qaarkood ayaa la tuhmayaa in ay ahaayeen kuwa siyaasadeed uu maamulka Jubbaland maleegay.