DHAGEYSO:-Maamulka Axmed Madoobe Oo War ka soo saaray dilkii Nabadoon Xaaji Ciise

0

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dil xalay Magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland.

Kooxihii ka dambeeyey dilka Nabdoonka ayaa goobta ka baxsaday,hayeeshee howlgal kooban oo ay sameeyeen Ciidamada Jubbaland aysan jirin weli dad u qabteen dilkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Jubbaland marka hore uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha.