Ciidanka Jubbaland Oo Xiray Dad Banaanbax Ka Waday Kismaayo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka maamulka Jubbaland ay Kismaayo ku xireen boqolaal shacab ah oo Maanta halkaas ka dhigayay Banaanbax.

Dadka la xiray ayaa dhigaayay Banaanbax ay uga soo horjeedaan dilkii xalay Kismaayo loo geystay Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon),kaasi oo kamid ahaa dadkii Ganacsatada deegaanda Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in dadkaas lagu xiray Saldhigyo kala duwan oo ku yaalla Kismaayo sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya in la cadeeyo, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaas, isla markaana waxaa ay sheegeen dadkaas in dilka Saciid Adoon oo kamid ahaa Ganacsatada deegaanada Jubbaland aysan ka dambeynin Al-shabaab,hayeeshee arimo siyaasadeed loo dilay.

Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo ku raadinayan ragii ka dambeeyay toogashada Nabadoon Siciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Saciid Adoon) kana mid ahaa Ganacsatada deegaanka Jubbaland.