Ciidan ka tirsan dowladda oo la la’yahay, kaddib Doon kula degtay Xeebta Marka

0

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in Ciidan ka tirsan xoogga dalka iyo hubkii ay wateen lagu la’yahay xeebaha Marka, kaddib markii doon ay la socdeen ay la degtay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan ay ka tirsan yihiin Guutada 14 October, waxaana doon ay la socdeen kula degtay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta magaalada Marka.

Illaa 10 askari oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamadaas ayaa la soo badbaadiyay, halka la la’yahay illaa sadex askari oo kale.

Warar kala duwan ayaa sheegaya in Ciidamadan ay doonayeen in socdaal dhanka Badda ah ay ku gaaraan magaalada Muqdisho, maadaama magaalada Marka ay ku jirto go’doon.

Ciidamada ku sugan magaalada Marka ayaa saanada iyo sahayda waxaa lagu gaarsiiyaa dhanka badda, maadaama ay Al-Shabaab go’doomiyaan magaaladaas, isla markaana dhowr jeer oo hore weerar ka geysteen wadada dhanka xeebta ah ee isku xira Muqdisho iyo Marka.