Booliska Dhuusamareeb Oo Ka Hadlay Amniga Magaaladaasi

0

Taliska Booliska magaalada Dhuusamareeb ayaa war ka soo saaray amniga magaaladaasi iyo sidoo kale howlgallo ay ka sameeyeen duleedkeeda,

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa ugu horreyn lagu beeniyey in isbaarooyin la soo dhigay inta u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

“Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb  waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana Roondo Joogto ah ka Sameeya Inta u dhexeysa Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri warka taliska.

Ugu dambeyn Booliska ayaa ka codsaday shacabka in ay kala shaqeeyaan nabad gelyada, si ooga hortago falalka ammaan darri ee mararka qaar ka dhaca halkaasi.