Xildhibaano Qaadacay Go’aankii Puntland Ku Xirtay Xafiisyada Wasiiro Ka Tirsan DFS

0

Kadib markii Puntland ay xirtay Xafiisyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay furteen Degmooyin ka tirsan Puntland ayaa waxaa Go’aankaas ka horyimid Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Puntland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboloeedka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in Go’aankii lagu xiray Xafiisyada Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya uu yahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Dhoore ayaa Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ka dalbaday inay dib ugu laabato Go’aankii lagu xiray Xafiiyada Wasiiradda qorsheynta iyo shaqadda iyo Shaqaalaha ee Jamaal Maxamed Xasan iyo Sadiiq Xirsi Warfaa.

Dhinaca kale Maxamuud Mashruuc oo ah Senatarada  ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in dowlad Goboleedka Puntland looga baahan yahay inay ka fogaan waxkasto oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlaayay Senator Max’uud Mashruuc ayaa waxaa uu xusay in Go’aankaas Puntland ay ku xirtay Xafiisyada Wasiirada uu ka horimaanayo dastuurka Soomaaliya.