Nabadoon Goordhow Lagu Dilay Magaalada Kismaayo

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayan in Goordhow halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu ahaa Nabadoon.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Nabadoonka ay dilka u geysteen kooxo ku hubeysnaa Bastoolado,isagoo goobta ku geeriyooday.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Nabadoon Saciid Adoon oo ka tirsan waxgaradka Jubbaland.