Guddiga Soo Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Oo Gaaray Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa Guddigan waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug iyo xubno kale.

Ujeedka Dhuusamareeb u gaareen Wafdigan ayaa ah sidii ay kulan ula qaadan lahaayeen Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Hogaanka Ahlusunna Waljameeca,iyagoona kala hadli arrimaha Doorashooyinka dalka.

Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa horey uga tegay Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle,iyagoona halkaas kula soo kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka labada dhinac.