Golaha Shacabka Oo Isla-Xisaabtan Ku Bilaabaya Golaha Wasiirada Xukuumadda

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in todobaadka kasta maalinta Axada la qorsheeyay in Golaha Wasiirada ay horyimaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada ay Su’aallo weydiin doonaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwasi oo la xiriira shaqooyinkooda.