DHAGEYSO:-Sheikh Soomow “Taliyaha Booliiska Maxkamadd baan la tiigsanayaa”

0

Iyadoo mudooyinkii dambe ay isi soo tareysay cabashada dadka reer Muqdisho ay ka qabaan wadooyinka xiran ayaa Sheikh Cabdulqadir Soomow oo ka mid  ah culumada Soomaaliyeed eek u nool magaalada Muqdisho waxa uu ka sheekeeyay is hortaag ay ku sameeyeen ciidamada dowladda Soomaliya.

Waxa uu sheegay Sheikh Soomow in laga celiyay ilaa labo bar koontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo ka diiday in ay ku ixtiraamaan aqoosigiisa iyo aqoonta ay u lahaayeen dadka shacabka ah ee ka ag dhawaa goobaha lagu celiyay.

Taliya Booliiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xasan Xijaar ayuu sheegay in uu la xariiray markii loo diiday in uu ka soo gudbo baraha koontorool ee wadooyinka Sanca iyo Jardiinka, balse uu taliyuhu u sheegay in uusan xaq u laheyn in uu la soo xariiro cabasho intaas la’egna uu ula yimaado isagoo taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed ah.