Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Gobolka Sh/ Hoose

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda ee degmadaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal foolka fool ah oo muddo socday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo dhex maray ciidanka Milatariga iyo raggi weerarka soo qaaday.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtay in dagaalyannadooda weerar dhowr jiho ah ay ka fulyeen degmada Awdheegle , islamarkanaa ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo saraakiisha dowladdu ay ka soo saareen dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay intanba.