AKHRISO:- Yuusuf Garaad “Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay ee dhageysiga dacwada”

0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay go’aankii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay markii labaad dib u dhigtay dhageysiga dacwadda.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay labo jeer sheegtay inay diiday dalabkii Kenya, balse looga guuleystay.

“Maxkamadda ICJ laba jeer ayay dib u dhigtay dhegeysiga wareegga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ay Maxkamaddu ka qabatay Soomaaliya Khamiis, 28 August 2014, Kenya ayaa labada jeerba dalbatay dib-u-dhigga, Dowladdeennu labada jeerba waxay noo sheegtay in ay diidday in dhegeysiga dib loo dhigo. Waase looga guuleystay”ayuu yiri Yuusuf Garaad.

“Ma jiro xilli Soomaaliya uga xun madasha hadda la qabtay oo ah usbuuca labaad ee June 2020, Sida ay ballanta dhexdeennu ahayd waa xilli doorasho guud oo labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne. Ballantaana waa ay og yihiin Kenya, qareennada labada dhinac iyo Garsoorayaasha ICJ.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in u heellanaanta dacwadda iyo madax banaanida doorashada labadaba aanay u rooneyn balanta la qabtay oo ay ku soo aadeyso xilli la galayo olole doorasho.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer ku celisay inay diiday in dacwada dib loo dhigo, hadana waxaa jira tuhun ah in labada dal ay ku raalli ka ahaayeen dib u dhigga dacwada, sida uu qabo xeerarka Maxkamadda ICJ.