AKHRISO:- Xasan Sheekh;”Shacabka Soomaaliyeed waa inay helaan sababta dib loogu dhigey dacwada badda!

1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xiriira dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamada caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh oo ahaa Madaxweynaha dalka xilligii dacwada badda loo gudbiyay maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa is weydiiyay in arrimahan ka soo cusboonaaday dacwada badda inay tahay mid hordhac u ah in meel aan maxkamada ahayn lagu galo dacwada.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay shacabkeeda ay siiso jawaab waafi ah oo la xiriirta dacwada Badda.

SHARE

1 COMMENT

  1. War qashinkaan oo kale inaad warkiisa soo qaadaan ma aha xasan xoolo sow isagii hor fadhiyey 1 asbuuc ka hor doqon ducaale kukuuyo oo ku tumanayey jiritaanka iyo madaxbanaanida soomaaliya dalka iyo dadka uu ka hadlaayo waa kuwama? wixii uu halkaa ka sheegi waayey miyuu hada rabaa in uu dad khaldo oo iska dhiga wadani ka jiifan waayey duulaanka Kenya ileen af nool ayaan hadal ka daalin Farmaajo waxaan oo kale inuu xabsi ku hubsado ayay ahayd agoontii Gabre oo wax dal iyo diin iyo dad ku saabsan in laga dhegeysto oo fursado noocaa oo kale ah ay helaan ayaaba xaaraan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here